MUQDISHO, (DMNTVONLINE) - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa shaaciyey liiska xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddigan oo ah mid dastuuri ah, ayaa waxaa khilaaf weyn ka taagnaa hannaanka lagu dhisay.
Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Madaxdii hore ee dalka iyo inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga horyimi hannaankii sharci ee guddigan lagu dhisayey, oo ay sheegeen inuu yahay mid baalmarsan xeerarka labada heer dowladda.
Arrinta ayaa su'aal gelinaysa shaqo gudashada guddigan oo la sheegay in hannaanka lagu dhisay aanu ahayn mid ay u dhan yihiin dhammaan saamilayda siyaasadda ee dalka, isla markaas shuruucda lagu dhisay ay ahaayee kuwo ay ka ka taagnaayeen khilaaf siyaasadeed oo adag.
Arrintan ayaa lagu wadaa inay sii huriso is-mariwaaga siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada qaar, iyadoo la filayo in dood adag ka dhalato hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ah ee ay qorsheheeda waddo DFS.
Halkan ka akhriso magacyada Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha:
1. Cabdikariim Axmed Xassan
2. Saadiq Abshir Garaad
3. Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
4. Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
5. Cumar Abuukar Cumar
6. Farxiyo Maxamed Yusuf
7. Dr. Cumar Jamac Maxamed
8. Faarax Cabdi Xasan
9. Sahro Diiriye Muuse
10. Cabdullahi Salaad Yaroow
11. Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
12. Cabdi Cadow Maxamed
13. Cabdishakuur Abiib Haayir
14. Khaalid Ibrahim Ismaaciil
15. Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
16. Naasir Maxamed Shire
17. Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
18. Maxamed Cumar Ismaciil
Comments