redirect website
top of page
  • Telegram
  • TikTok
  • Facebook
  • Twitter
  • Instagram
  • YouTube

Meydka Sheikh Muse Cade oo maanta la keenayo Muqdisho

  • Writer: Hussein Mohamed
    Hussein Mohamed
  • Dec 22, 2024
  • 1 min read

Alle ha u naxariistee meydka Sheekh Muuse Sheekh Nuur oo loo yaqaanay Sheekh Muuse Cade ayaa maanta la keenaya magaalada Muqdisho.


Sheekh ayaa toddobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Rottendam ee dalka Holland kadib muddo uu xanuunsanayay.


Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa guddi u xil saartay aaska marxuumka.


Salaada Janaasada waxaa lagula tukan doonaa masjidka Isbaheysiga ee caasimada Muqdisho sida ay wasaarada sheegtay.


Sheekh Muuse Cade ayaa kamid ahaa culumada muddo dheer kusoo dhex jiray fidinta diinta Islaamka waxaana aad looga dhex yaqaanay culumada Suufiyada.


Guddiga loo xil saaray aaska sheekh Muuse Cade ayaaa ka kooban 9 xubnood waxaana kamid ah sheekh Cali Dheere.

Recent Posts

See All

Comments


SUBSCRIBE

Sign me up! I’d like to receive news and updates.

Thanks for submitting!

© 2024 DMN TV Online

bottom of page