redirect website
top of page
  • Telegram
  • TikTok
  • Facebook
  • Twitter
  • Instagram
  • YouTube

RW Xamze oo isku shandheyn ku sameeyay golahiisa wasiirada

  • Writer: Hussein Mohamed
    Hussein Mohamed
  • Dec 22, 2024
  • 1 min read

Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa sameeyay isku shaandheyn kooban iyada oo uu xilka waayay wasiirkii Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo lagu tiriyo saaxiibada ugu dhaw madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Sido kale waa la isku beddelay wasiirada arrimaha deegaanka iyo kan arrimaha Qoyska.



Khadiija Al Maqsuumi oo ahayd wasiirka deegaanka ayaa noqoneysa wasiirka arrimaha Qoyska halka Bashiir Goobe uu noqonayo wasiirka arrimaha deegaanka.


Wasiirkii Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hore usoo noqday wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan sheekh ayaa noqon doona musharaxa dowladda federaalka ee doorashada Hirshabeelle.

Recent Posts

See All

Commentaires


SUBSCRIBE

Sign me up! I’d like to receive news and updates.

Thanks for submitting!

© 2024 DMN TV Online

bottom of page