redirect website
top of page
  • Telegram
  • TikTok
  • Facebook
  • Twitter
  • Instagram
  • YouTube

SHAQAAQOOYIN KA DHACAY CEERIGAABO OO AY KU NAFWEEYEEN DAD SHACAB U BADAN

  • Writer: DMNTV Online
    DMNTV Online
  • Nov 26, 2024
  • 1 min read

Updated: Nov 30, 2024


SHAQAAQOOYIN KA DHACAY CEERIGAABO OO DHALIYEY OO AY KU NAFWEEYEEN DAD SHACAB U BADAN

Ceerigaabo, (DMNTVLONE) - Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaa maanta ka dhacay rabshado gacan ka hadal wata oo dhaliyey dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah, iyada oo boob loo gaystay xarumo ganacsi. dhacdadan ayaa lagu eedeeyey inay gaysteen Ciidamada Somaliland iyo dad shacab ah oo garab ka helaya.


Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa weli kacsan, iyada oo inta badan suuqyada magaaladu ay haawanayaan, waxaana wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadlay uu sheegay inay ku soo ragayaan bawdan magaalada.


Magaalada Ceerigaabo oo ay saamayn weyn ku yeesheen colaadihii ka dhacay Gobolka Sool ee dhex maray ciidamada Somaliland iyo shacabka deegaannadaas ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal soo noqnoqday oo dad shacab ah loo gaystay, taas oo la sheegay inay gaysteen maleeshiyo beeloodyo abaabulan iyo Ciidamada Somaliland.


inkasta oo bilihii la soo dhaafay magaalada laga dareemayey saansaan nabadeed ka dib marki odayaasha dhaqanka ee dagaannadaasi ay kulmeen, ayaa hadda u muuqata mid aan sii waarin oo ay dib uga so cusbooonaadeen colaado horleh.


Dhanka kale, Maamulka SSC-Khaatumo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaannadaas oo ka hadlay dhacdadan ayaa ku eedeeyen ciidamada Somaliland, iyaga oo sheegay inaysan u dulqaadin dooni, ayna ka jawaabi doonaan.

Comentarios


SUBSCRIBE

Sign me up! I’d like to receive news and updates.

Thanks for submitting!

© 2024 DMN TV Online

bottom of page