Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay xilka kala wareegay guddoomiyaha xilka ka tagaya ee Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale).
Munaasbada xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.
Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre,Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi iyo madax kale ayaa ka qeybgalay xaflada xil wareejinta.
Guddoomiyaha xilka la wareegay ayaa wacad ku maray in uu doorasho qof iyo cod ah gaarsiin doono caasimada Muqdisho.
“ Aniga noqonaya guddoomiyihii ugu dambeeyay ee lasoo magacaabo waxaan gaarsiinaya gobolka Banaadir in shacabka ay madaxda soo doortan,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.
Magaalada Muqdisho ayaa wajaheysa caqabado ay ugu horreyso amni darro soo laab laabatay iyada oo ay kooxaha argagixisada lacago baad ah ka qaadan ganacsatada caasimada.
Comments