redirect website
top of page

GOLAHA WASIIRRADA DFS OO SOO SAARAY QARAAR FARAYA DACWAD LIDDI KU AH HOGGAANKA JUBBALAND

Writer's picture: DMNTV OnlineDMNTV Online

Muqdisho, (DMNTVONLINE) - Golaha Wasiirrada DFS oo caawa yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa tilmaamay inay sharcidarro tahay dhammaan tallaabooyinka hannaankii doorashooyinka Jubbaland, kaas oo maalmahan ka socday xarunta ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo.


GOLAHA WASIIRRADA EE DFS OO SOO SAARAY QARAAR FARAYA DACWAD LIDDI KU AH HOGGAANKA JUBBALAND

Golaha Wasiirrada DFS ayaa sheegay in hannaankii loo xulay guddiga doorashada, xubnaha baarlamaanka, guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland ay dhammaan yihiin kuwo baal marsan heerarka kala duwan ee shuruucda dalka sida qodobbada 55-aad iyo 56-aad ee dastuurka KMG, xeerarka; guddiga doorashoooyin, xisbiyada badan, xeerka doorashooyinka iyo dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland.


Sidoo kale, Golaha Xukuumadda ayaa faray Garyaqaanka Guud ee Qaranka inuu si degdeg ah Maxkamadda Sare ee dalka u horgeeyo dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, taas oo si weyn u sii hurinaysa khilaafka sii xogaysanaya ee u dhexeeya labada dhinac ee Jubbaland iyo DFS.



GOLAHA WASIIRRADA EE DFS OO SOO SAARAY QARAAR FARAYA DACWAD LIDDI KU AH HOGGAANKA JUBBALAND
shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada, November 25, 2024, OPM

Dhammaan tallaaboyinkan ayaa imaanaya iyada oo maanta magaalada Kismaayo markii saddexaad dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana tan iyo markaas ay DFS qaadday tallaabooyin isxigxigay oo looga jawaabayo, iyado cutubyo ka tirsan Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed loo daabulay deegaanka Raasganbooni ee Jubbaland.


DHAMMAAD

18 views0 comments

Comments


bottom of page