redirect website
top of page

CIIDANKA JUBBALAND OO LAGU WEERARAY RAASKAMBOONI

Writer's picture: DMNTV OnlineDMNTV Online

Kismaayo, (DMNTVONLINE) - Ciidamada maamulka Jubbaland oo farriisin ku lahaa magaalada Raaskamboni ee degmada Badhaadhe ayaa la kulmay weerar oo ay kusoo qaadeen ciidanka xoogga dalka oo ay halkaasi shalay kusoo daabushay dowladda federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay warbixin lagu baahiyey Telefishinka Jubbaland.


CIIDANKA JUBBALAND OO LAGU WEERARAY RAASKAMBOONI

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidanka Jubaland ee ku sugnaa Raaskamboni ay iska caabiyen weerarka oo ay sheegeen in ay soo qaaden koox maleeshiyo ah.

Raaskambooni oo ah magaalo xeebeed ku taalla gobolka Jubbada Hoose ayaa qayaastii 270km dhanka Koonfur kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha shalay dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) oo qudbad jeediyay ayaa dowladda federaalka ku eedeyay hurinta dagaal beeled ka dhaca deeganada Jubaland.


CIIDANKA JUBBALAND OO LAGU WEERARAY RAASKAMBOONI
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo markii saddexaad loo dhaariyey hoggaaminta Jubbaland, November 25, 2024, Kismaayo

Xukuumadda Soomaaliya ayaa doorashada Jubaland ku tilmaamtay wax kama jiraan.

Axmed Madoobe ayaa markii seddexaad hoggaamin doona Jubaland inkastoo uu la kulmayo caddaadis kaga imaanaya dowladda federaalka Soomaaliya.

0 views0 comments

Comments


bottom of page