redirect website
top of page
Writer's pictureDMNTV Online

Muxuu Ka Dhigan yahay Waaranka Soo Qabasho ee ay DFS u Jartay Axmed Madoobe?

Updated: Nov 28, 2024

MUQDISHO, (DMNTVONLINE) -  Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay waaran soo qabasho iyo horkeenis maxkamadeed oo ka dhan ah madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe. Waarankan ayaa la xiriira eedeymo culus oo loo soo jeediyay Axmed Madoobe, kuwaas oo lagu saleeyay Qodobbada 184, 186 iyo 217 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.


Muxuu Ka Dhigan yahay Waaranka Soo Qabasho ee ay DFS u Jartay Axmed Madoobe
Waaranka Maxkamadda ee ka dhanka ah Madaxweyne Axmed Madoobee

Sida xeer ilaalintu sheegtay Axmed Madoobe ayaa DFS ku eedaysay inuu ku kacay denbiyo ka dhan madaxbannaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed oo isugu jira khiyaano qaran, jaajuusnimo dalal shisheeye iyo inuu ka horyimi nidaamka dowliga ah iyo dastuurka dalka, waxaana dhammaan eedaymahan ka ratibmaya xukunno isugu jira dil toogasho iyo xabsi aadin.


Sida uu dhigayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Qodobkiisa 184-aad, Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falal lid ku ah midnimada qaranka, oo ay kamid tahay in si toos ah uu u sameeyay falal baabi’in kara madax-bannaanida Soomaaliya ama midnimada qaranka, taas oo ay ka ratibmayso xukun dil ah.


Sidoo kale, Qodobka 186-aad ayaa qoorta u suraya Madaxweyne Axmed Madoobe  eedo ah inuu  dalka u jaajuusay dalal ajnabi ah isaga oo xog iyo xiriir la yeeshay shisheeye si loo abuuro dagaal ama colaado ka dhan ah qaranka Soomaaliyeed. taasoo haddii ay dagaallo ka dhashaan uu ka ratibmayo xukun dil ah.


Isla Qodobka 217-aad ee Xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed ayaa isna dhigaya inuu ku kacay falal uu ku baddalayo Dastuurka ama qaabka dowladnimada si aan waafaqsaneyn shuruucda dalka, taas oo ay iyadana ka dhalanayso ciqaab gaarsiisan xabsi daa’in.


Eedaymahan ayaa ku soo aadeysa xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo ka dhex jira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland. Golaha Wasiirrada DFS ayaa horey u sheegay in hannaanka doorashooyinka Jubbaland uu ka horimanayo shuruucda dalka, uuna yahay waxba kama jiraan, taas oo u muuqata inay sii hurineyso xiisadda labada dhinac.


Dhammaan tallaabooyinka ay Madaxda DFS ku haysato Axmed Madoobe ayaa ay madaxda haatan talada haysaa ku garabsiiyeen hoggaanka Jubbaland, xilligii muddo xileedka Madaxweynihii Hore Farmaajo.


Sida ay falanqeeyeyaasha siyaasaddu xusayaan waarankan iyo eedaymahan ayaa lagu sheegay in ay dowladdu uga golleedahay in ay cadaadis siyaasadeed lagu saaro Axmed madoobe, iyada oo uu culays kala kulmi doono dhinacyada safarrada iyo la macaamilkiisa beesha caalamka.


Sidoo kale eedaymahan ayaa noqon kara kuwo loo adeegsado in culays lagu saaro xaliifka siyaasadeed ee Madaxweyne Axmed Madoobe, iyada oo maanta buuq gacan ka hadal isu rogay uu ka dhacay Golaha Shacabka ka dib markii xubnaha laga soo doorto Jubbaland ay diidmo ka muujiyeen ansixinta Guddiga Doorashooyinka ee ay Xukuumaddu soo dhistay.


Ugu dambayntii, tallaabadan waxaa ka dhalan kara saameyn siyaasadeed oo xooggan, maadaama Axmed Madoobe uu yahay hoggaamiye muhiim ah oo xukumada mid kamid ah dowlad goboleedyada ugu saamaynta badan dalka.


20 views0 comments

Comments


bottom of page