Muqdisho, (DMNTVONLINE) - Golaha Wasiirrada DFS oo caawa yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa tilmaamay inay sharcidarro tahay dhammaan tallaabooyinka hannaankii doorashooyinka Jubbaland, kaas oo maalmahan ka socday xarunta ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo.
Golaha Wasiirrada DFS ayaa sheegay in hannaankii loo xulay guddiga doorashada, xubnaha baarlamaanka, guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland ay dhammaan yihiin kuwo baal marsan heerarka kala duwan ee shuruucda dalka sida qodobbada 55-aad iyo 56-aad ee dastuurka KMG, xeerarka; guddiga doorashoooyin, xisbiyada badan, xeerka doorashooyinka iyo dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Sidoo kale, Golaha Xukuumadda ayaa faray Garyaqaanka Guud ee Qaranka inuu si degdeg ah Maxkamadda Sare ee dalka u horgeeyo dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, taas oo si weyn u sii hurinaysa khilaafka sii xogaysanaya ee u dhexeeya labada dhinac ee Jubbaland iyo DFS.
Dhammaan tallaaboyinkan ayaa imaanaya iyada oo maanta magaalada Kismaayo markii saddexaad dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana tan iyo markaas ay DFS qaadday tallaabooyin isxigxigay oo looga jawaabayo, iyado cutubyo ka tirsan Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed loo daabulay deegaanka Raasganbooni ee Jubbaland.
DHAMMAAD
コメント